Skip to main content

Xeerka 8aad ''Iska hubi cida ad ladhaqmayso'' (Sirta la-tacaamulka dadka)

  Xeerkan waxa jira mahmaah soomaali oo oranaysa (hubsiimo halgeel ba lasiistaa). Buuga oo kashegenaya xeerkan wuxu yiri 5 qof hala tacaamulin, waxna haku darsan, iskana ilaali sijoogta ah (dabgoda lama kulaalo): 1. Qof islawaayn ama qab wayn leh 2. Qof ka isbadbadalka badan oo meel loogu hagaago aan lahayn 3. Qofka shakiya badan 4. Qofka aargoostaha ah ee waxba ilaawin 5. Qofka miskiinka ah ee halmar xanaaqa Tusaalaha Buuga: Waxa jiray maxamed khawaarsimi waxa uu katalinjiray dowlad wayn oo la'oran jiray khawaarisim oo katalinjirtay Turky ilaa  Afganistan ilaa Shiinaha. waxuna lahaa ciidan aad ubadan 1219 kii aya Jingis khaan usoo diray safiiro wado hadyado si ay u heshiiyaan nabadna kuwada noladaan. Maxamed khawaarsimi wa uu diiday heshiiska isaga oo qab ku jiro. Jingis khaan mar labaad ayuu ergo hadyad sida soo diray lakin wasiir kamid ah wasiirada Khawaarisim aya dhacay hadyadii ergadiina wu wada dilay. Jingis khaan mar sedexaad ayuu ergo soo diray isago raba in logacan ga...

Xeerka 8aad ''Iska hubi cida ad ladhaqmayso'' (Sirta la-tacaamulka dadka)

 


Xeerkan waxa jira mahmaah soomaali oo oranaysa (hubsiimo halgeel ba lasiistaa). Buuga oo kashegenaya xeerkan wuxu yiri 5 qof hala tacaamulin, waxna haku darsan, iskana ilaali sijoogta ah (dabgoda lama kulaalo):


1. Qof islawaayn ama qab wayn leh


2. Qof ka isbadbadalka badan oo meel loogu hagaago aan lahayn


3. Qofka shakiya badan


4. Qofka aargoostaha ah ee waxba ilaawin


5. Qofka miskiinka ah ee halmar xanaaqa



Tusaalaha Buuga:


Waxa jiray maxamed khawaarsimi waxa uu katalinjiray dowlad wayn oo la'oran jiray khawaarisim oo katalinjirtay Turky ilaa Afganistan ilaa Shiinaha. waxuna lahaa ciidan aad ubadan 1219 kii aya Jingis khaan usoo diray safiiro wado hadyado si ay u heshiiyaan nabadna kuwada noladaan. Maxamed khawaarsimi wa uu diiday heshiiska isaga oo qab ku jiro.


Jingis khaan mar labaad ayuu ergo hadyad sida soo diray lakin wasiir kamid ah wasiirada Khawaarisim aya dhacay hadyadii ergadiina wu wada dilay. Jingis khaan mar sedexaad ayuu ergo soo diray isago raba in logacan galiyo wasiirki ergadiisa wada laayay hadyadana dhacay, Lakin maxamed khawaarsimi wa uu yasay ergadii sedexaad na gacantiisa ayu ku dilay.


Jingis khaan ayaa xanaqay waxana uu soo diray dhambaal ah sidaan, ''Wan ku argaa waxad rabtaa dagaal wixii qorana way dhacayaan alle ayana og siday wax udhicidonan''. sanadkii 1220 kii ayaa jingis khaan waxa uu so urursaday ciidamadiisi waxana uu qabsaday gobolki hadyadiisi laku dhacay wasiirki dhacayna intuu qabtay ayuu bir ladhalaaliyay dhegaha iyo indhaha kaya dhubay. sidas ayuna ku dhintay.


Sanadadii ka dambaysayna waxa uu ku bilaabay dagaal kudhufo ka dhaqaaq ah Maxamed khawaarsimi waxa uu ku wareeray ciidamada Jingis khaan oo farsamo dagaal oo aad uhormarsan laha, sitartiib tartiib ah ayaa looga adgaaday Maxamed khawaarsimi ilaa uu u cararay jasiirad yar marki dambana uu ku dhintay. Maxamed khawaarsimi xagaa waxa gaarsiyay waa qabkiisi iyo islawaynidiisii.



Tusaalaha 2aad:


Qarnikii shanaad ee miiladika kahor ayaa amiir la'oranjiray amiir shoongi aya gafku dhacay kadib boqortoyadisi aya laka musaafiriyay, deeganadii uu dagayna waxa ku qabsatay faqri iyo dhibaatoyin badan. kadib waxa uu somaray imaarad la'oranjiray Shaank waxay kamid ahayd isla wadanka amiirkii imaarada shaank ayaa ku jees jeesay sida uu dona ayuna ka yeelay.


Wasiir kamid ah wasiirada imaarada aya ku xaakim ninkan wa amiir khalad uu sameeyay boqortoyadisi loga masafuriyey ee ixtiraam u muuji ama isaka dhan dil, amiirkii imaarada wa uu diiday boqor shoongi inuu dilo ama istiraamo, sidii ayuuna ugu jees jeesi jiray,


Wakhti dheer kadib Boqor shoongi  wa uu laabtay wakhtikii ayaana u dhamaaday waxana uu dib u helay boqortoyadiisii, ciidankisii iyo waxwalba uu laha, janiski kowaad ayuna ka fa'iidaystay wuxuna duulaan kuso qaaday imaaradii Shaank gacanta ayuuna ku dhigay amiirkii ku jees jeesi jirayna inuu qabtay ayuu masaafuriyay si uu uso dareemo gaajo iyo dhibaato badan.


Amiirki katalinjiray imaarada Shaank hadii ii malinti u qabtay Boqor shaangi dililahaa ama ixtaraami lahaa hada saas kumadhici lahayn lamana masaafurin lahayn ee wa layka dhaafi lahaa isaga iyo imaaradiisaba.


Qoraaga buugu waxa uu yiri baro sida shakhsiyaadka dadka loo akhriyo waxa ku jira dad an waxba ilaawin, maanta qofka aad quursato waxa macquul ah beri unuu ku taliyo, qof nolosha quursi ama ihaanaysi meel ku gaaray majirto. dadka aad la-tacaamulayso isku si hawla dacaamulin.














Comments

Popular posts from this blog

Xeerka 7aad ''Sirta daciifnimada isfaquuqa'' (Goonnidaaqa)

Qodobkan waxa uu ku saabsan yahay:  Ha'isfaquuqin oo dadka haka dhexbixin ee dhexjoog, hasamaysanin darbiyo kahor jogsada dadka kale. Galidaaqnimado wa halis handadaad kuyu ah ee kuma ilaalinayso. calamku wa halis cadowna wukabuuxa qof walbana inu is'ilaaliyo wa lasim, Isfaquuqu inta uu ku'ilalinayo inta uu kuyeelayo aya ka badan hadii ad madaxtahy wa inad dadka dhexgasho oo aad kawarhaysa ee iska ilaali isfaquuqa. Tusaalaha Buuga: Taariikhda dalka shiinaha boqorkii ugu caansana uguna horaayay oo la'oranjiray jaanshii oo talinjiray 220kii ilaa 210kii hijriyada waxa uu ahaa boqor awood badan oo sameeyay dalka wayn ee shiinaha boqor Jaanshii  waxa ku adkaatay inu dadka la kulmo waxa uu kunola qasri aad uwayn cidna lama kulmi jirin indhaha dadka oo dhan wa uu iska qarin jiray. Habeenki hal qol maseexan jirin ee hadba qol ayu seexan jiray si aan lo'ogaan, Maalin ayuu dhintay isaga oo cidna ogayn dhowmaalin kadib ayaa maydkii boqorka oo qurmay lahelay. Saas ayuna ku dhin...

Xeerka 5aad ''baro sida loo maqnaado marka aad muhim noqoto'' (fanka maqnaanshaha)

  Qodobkan wuxu ka hadlaya sida lo maqnado marwalba aad muhiim noqoto, wax walba hadi ay indhuhu ku bataan wa lanaca.  Mahmah soomaaliyed aya oranaysa (hanoqon jooge aan laxisabsan ama maqane aan latabin)  Qoraaga oo qodobkan ka hadlaya wuxu yiri qof dad an ku aqonayn qodobkan ha u isticmalin lakin u isticmal dad ku yaqan oo ad agtooda muhiim katahay. qoraku waxa kale Oo yiri ogow dadka maqamka ay adi ku jogan iyo dadka maqamka ad adiku iyaka u jogto. Tusalaha buuga: Niman la oran jiray aashuuniyiin oo ka talin jiray dhulka shaam iyo dunida qayb kamid ah 300 oo sano kahor waxay ahayeen niman aad u ad adag oo tigtatoriyad ah,  Reer degan magalo kamid ah iiran kadib waxa dhacay khilaaf iyo rer walba inay rerkay ka adag yihiin ay ju duulaan. Marka aya waxa so baxay nin la oran jiray deyosis waxa uu ku caan baxay inu dadka dhexdhexadiyo oo uu ugar naqo khilafaad kana xaliyo marka kadib waxa yaraaday khilafkii iyo dagaladiii,  Deyosis waxa uu yeeshay awood wuxuna...